ICC oo amartay in xabsiga lagu sii hayo madaxweynihii hore ee Ivory Coast

0
669

ICC oo amartay in xabsiga lagu sii hayo madaxweynihii hore ee Ivory Coast

Maxkamada danbiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC ayaa dib u dhigtay sii deysmada madaxweynihii hore ee wadanka Ivory Coast Laurent Gbagbo, mudo laba todobaad ah.

Gbagbo, oo mudo 7 sano ah ku xirnaa xabsiga Hague ayaa maxkamada sheegtay in uusan danbi laheyn.

Hogaamiyihii hore ee Ivory Coast ayaa horay loogu eedeyay in uu ku lug lahaa rabshadihii ka dhashay doorashadii 2010-kii ilaa 2011-kii oo ay ku dhinteen 3,000 oo ruux.

Dhanka kale garsoorayaasha maxkamada Hague ayaa diiday codsi uga yimid dacwad soo oogayaasha oo ku aadaana in ay racfaan ka qaataan sii deysmadan Gbagbo.

Balse go,aanka cusub oo ay maanta qaadatay maxkamada ayaa ka dhigan in Gbagbo iyo wasiirkii hore ee dhalinyarada Charles Ble Goude ay sii xirnaan doonaan ilaa bisha Febraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here