Maxaad ka ogtahay raggii fuliyay weerarkii Dhismaha Dusit ee Nairobi?

0
643

Maxaad ka ogtahay raggii fuliyay weerarkii Dhismaha Dusit ee Nairobi?

Laanta dembi baarista ee kenya ayaa maalin kahor ku howlanaa uruurinta xogta iyo faahfaahinta labo kamid ah ragi weeraray dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Warbaahinta maxaliga ee Kenya ayaa kusoo waranatay in raggii weerarka geystay lagu kala magacaabo Eric Kinyanjui oo 26 sano jir ah iyo Farouk, kuwaasi oo la sheegay inay kasoo kala jeedaan deegaanada Kiambu iyo Nyeri.

Eric Kinyanjui, ayaa la sheegay in uu ka yimid tuulada Ngecha oo ka tirsan deegaanka Limuru halka Farouk-na la sheegay in isna in uu ku dhashay oo uu ku koray isku raranka Majengo ee magaalada Nyeri.

Booliska ayaa shegay in ragii weerarka geystay ay jeebabkooda ka soo saareen dukumiintiyo u muuqday in xogtooda laga helay, waxaana ay dowladdu shegtay inay kamid ahaayeen shantii nin ee shalay lagu toogtay gudaha hoteelka DusitD2.

Inkastoo warbaahinta maxaliga ee Kenya ay sheegtay in la helay maclumaadka qaar kamid ah raggii weerarka geystay ayaa haddana waxaan la ogeyn fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan raggii kale ee iyaguna ka qeyb qaatay weerarka.

Ali Salim Gichunge oo loo yaqaano Farouk ayaa la sheegay in uusan u muuqan qof xiriir la leh koxaha mintidiinta, waxaana dadkii yaqiinay ay shegeen in uu ahaa qof iska caadi ah oo ku noolaa noolal dhexaad.

.Lahaanshaha sawirkaREUTERS

Dariska xaafaddii uu deganaa ee Ruaka ayaa Farouk ku tilmaamay in uu ahaa qof iska caadi ah, balse waxa uu caan ku ahaa oo lagu yaqaanay gaarigiisa oo uu ka dhageysan jiray miyuusik cod dheer.

Waxa uu xaafadaan oo ku taalla ismaamulka Kiambu ku noolaa tan iyo 21-kii Maarso ee sannadii tagay.

Waxay dhawaan qaateen diinta Islaamka, waxaana la aaminsan yahay in ay qaateen mabda’a Al-Shabaab. Askari ka tirsan baaraayasha kiiska ragga weerarka geystay ayaa sheegay in labadooduba la aaminsan yahay inay tageen Somaaliya halkaas oo ay uga mid nqodeen ururka Al-Shabaab.

Ugu yaraan 21 qof ayaa naftooda ku waayay, halka tobaneeyo kalena uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Ciidammada gaarka ah ee dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Israaiil ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa samata bixinta dadkii ku jiray gudaha dhismaha DusitD2 oo dowladdu ay sheegtay in laga soo badbaadiyay in ka badan 700 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here