Xiliga la Caleema saarayo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo la shaaciyay.

0
517

Xiliga la Caleema saarayo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo la shaaciyay.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland, ayaa sheegaya  in Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid C/llaahi Maxamed (Deni) ay dhaceyso caleema saarkiisa toodbaadkan maanta bilowga ah.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in maalinimada Isniinta oo ay taariikhdu tahay 14-ka bishan loo qorsheeyay iney dhacdo Xaflada Caleema saarka iyadoo ay ka qeybgali doonaan Madax katirsan Dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada.

Siciid Deni, ayaa 8-dii bishan ku guuleystay doorasho ay codeynayeen 66 Xildhibaan, iyadoo Wareegii Saddexaad ee ugu danbeeyay uu 4 Cod kaga adkaaday Asad Cismaan C/llaahi Diyaano oo la yimid 31 Cod.

Deni, waxa uu bedelay C/Weli Maxamed Cali Gaas oo Shantii sano ee u danbeysay ahaa Madaxweynaha maamulka Puntland, Isagoo soo dhaafi waayay wareegii 1-aad maadaama uu helay 8 Cod oo kaliya.

Deni ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso Wasiiradiisa cusub, Isagoo kulankii u horeeyay Gudoomiyay Khamiistii, wuxuuna dastuurka siinayaa inuu 21 maalin ku soo magacaabo Gole Wasiiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here