Qarax geystey dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Paris

0
520

Qarax geystey dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Paris

Labo ka mid ah shaqaalaha dabdamiska iyo haweeney u dhalatay dalka Spain ayaa ku geeriyootay afartameeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax xoog leh uu ka dhacay foorno ku taal magaalada Paris caasimada dalka Faransiiska.

Shaqaale deg-degga ah ayaa howl ka waday foornadan qaraxa uu ka dhacay iyadoo qaraxa uu ka dhashay sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha dalka Faransiiska Christophe Castaner.

Banaanbaxyo cusub oo loogaga soo horjeedo dowlada Faransiiska ayaa ka socday magaalada Paris iyo magaalooyin kale.

Qaraxaani oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Paris ee dalka Fransiiska ayaa waxa uu ka dhacay Foorno ku taalla xaafada Rue de Trevise oo dhacda Waqooyiga Magaaladaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qaraxani ay maleynayaan in uusan aheyn mid la xiriira argagixisada balse uu ka dhashay Gaas dab qabsaday maadaama meesha uu ka dhacay qaraxa ay Foorno aheyd ayna shaqaalaha degdegga ah ay howl dayactir ah ka wadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here