Faransiiska iyo Belguim-ka oo ka hor yimid Natiijada doorashada madaxtinimo ee Congo

0
652

Faransiiska iyo Belguim-ka oo ka hor yimid Natiijada doorashada madaxtinimo ee Congo

Wadamada Faransiiska Iyo Belgium-ka ayaa si adag uga hor yimid natiijadii doorashada madaxtinimo ee wadanka Dimuquraadiga Congo oo uu ku guuleestay hogaamiyaha Mucaaradka Felix Tshisekedi.
Dalalkaan ayaa sheegay in ay u muuqato in uu guuleestay Martin Fayulu.

Hadalkaan ayaa imaanaya saacado uun kadib markii gudiga doorashada ay ku dhawaaqeen khamiista maanta Natiijada doorashada.

Wasiirka Arimaha dibeda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in ay aheyd in lagu dhawaaqo guuleestaha uu ku sheegay Fayulu, halkii la shaacin lahaa Tshisekedi.

Dhanka kale xukuumada Paris ayaa tilmaantay in wadanka Congo oo loo daabulay in ka badan 40,000 oo korjoogto ah ay dhamaantood og yihiin murashaxa ku guuleestay doorashada.

Dhanka kale wasiirka Arimaha dibeda Belgian-ka ayaa sheegay in uu shaki ka qabo guusha hogaamiya mucaaradka waxaana uu tilmaamay in dacwad arintaan ka dhan ah ay geyn doonaan golaha amniga Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here