Wargeyskii ugu horreeyay oo madaxbanaan oo laga bilaabay Dowlad Deegaanka Soomaalida

0
622

Wargeyskii ugu horreeyay oo madaxbanaan oo laga bilaabay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Dhalinyaro ku sugan Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bilaabay inay soo saaran wargeyskii ugu horreeyay ee madaxbanaan ee kasoo baxa deegaanka.

Dr. Daahir Maxamed Tulux oo ah aasaasaha wargeyska Jigjiga ayaa BBC u sheegay inay ku qori doonaan warbixinno taabanaya arrimaha bulshada,siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Wuxuu sheegay in isbaddalada ka dhacay Itoobiya ay u horseeday inuu maanta hirgeliyo wargeys si madaxbanaan uga howlgalo deegaanka oo soo bandhigi doono aragtida iyo firkadaha wax tarka u leh horumarka bulshada deegaanka.

Daahir Maxamed Tulux
Image caption: Daahir Maxamed Tulux waa aasaasaha Wargeyska

Dhalinyaradan ma aheyn kuwoo saxaafadda kusoo dhex jiray balse waxaa ku khasbay inay ka faa’ideystaan isbadallada ka dhacay dalka Itoobiya sihal abuur ganacsi ay uga dhabeeyaan.

“Laakin ani ahaan marka aan arkay isbaddalka deegaanka iyo Itoobiya wax aka dhacay…maadama xoritul qowlku noqday mid waaqici ah anoo ka duulaya fikrad hal abuur ganacsi ahaan u qaatay in aan sameeyo, anigoo weli an khibraddeydu aheyn in aan sameeyo wargeys” ayuu yiri Daahir Maxamed Tulux.

Tulux wuxuu sheegay in arrintani ay uga golleeyihiin in dadka ay ku dadaalan akhriska iyo in warbixinada khuseeyo bulshada ay kusoo qoraan wargeyska.

Madaxda ONLF ma u soo istaagi doonaan doorashada dowlad deegaanka?

Wargeyska Jigjiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here