Baadiri Kenyan ah oo Magaalada Muqdisho ka wada faafinta Diinta Kirishtaanka

0
1138

Baadiri Kenyan ah oo Magaalada Muqdisho ka wada faafinta Diinta Kirishtaanka

Warbixin uu qoray Wargeyska Wordandway, ayaa wuxuu ku sheegay Baadiri u dhashay dalka Kenya inuu faafinta Diinta Kirishtaanka ka wado Magaalada Muqdisho.

Magaca Baadarigan oo Wargeyska uu qariyay, ayaa waxa uu ku soo koobay kaliya John, waxaana uu Wareysi uu siiyay Wordandway ku sheegay muddo Shan sano ah inuu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho oo uu ka wado faafinta Diinta Kirishtaanka.

John, ayaa tilmaamay qol yar oo ku yaallo Xaafadda Banaadir ee Degmada Hodan inay isugu yimaadaan isaga iyo rag Somali ah oo Diinta Kirishtaanka qaatay, halkaasina ay ku sameeyaan Cibaadeysi.

“Si qarsoodi ah ayaan  u heesnaa,una cibaadeysanaa marka aan fursad helna dad badan ayaan gaarsiinaa, inkastoo ay adag tahay in aad tiraahdo waxaan faafinaya Kiristaanimada.” ayuu yiri John.

Dadka Somalida ayuu ku tilmaamay inay yihiin dad aad u neceb Diinta Kirishtaanka, xittaa aysan saaxiib la noqon dadka aan haysan Diinta Islaamka, haddii ay ogaadaan inaadan haysan Diinta Islaamka halis ay galin karaan naftaada.

Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Ajaanib badan kuwaasi oo siyaabo kala duwan u jooga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here