DEG DEG : Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo loo doortay Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Puntland.

0
643

DEG DEG : Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo loo doortay Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Puntland.

Waxaa goordhow soo dhamaatay doorashada Madaxweyne Kuixgeenka maamulka Puntland oo sooctay saacadihii u danbeeyay, Waxaana u Tartamay 11 Musharax, waloow wareegii u danbeeyay  ee Saddexaad ay isugu soo hareen 2 Musharax oo kala ahaa; Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan .

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo ku dhawaaqay Natiijada kama danbysta  ah, ayaa sheegay in Madaxweyne Kuixgeenka cusub uu ku guuleystay Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo helay 47 Cod .

Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan oo wareega Saddexaad kula tartamay Karaash, ayaa isaguna la yimid 19 Cod, Wuxuuna sameeyay dadaal weyn maadaama uu ka soo gudbay 9 Musharax oo kale.

Karaash oo si kooban hadalka loo siiyay, ayaa amaanay Xildhibaanada doortay iyo shaqadii ay soo qabteen Guddiga Doorashada Madaxweyaha iyo Kuixgenka Puntland.

Qowdhan oo sidii sharciga eheyd hadlay, ayaa aqbalay Natiijada, wuxuuna balan qaaday inuu la shaqeyn doono Madaxweynaha iyo Kuixgeenka Puntland ee Shanta Sano ee soo socota.

Markey soo dhamaatay Tirinta codadka, waxaa Karaash kursigiisa Sallaan ugu tagay  Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni, Sacab ayaa hoolka qabsaday  maadaama dadka Hoolka ku jira ay tirsanayeen codadka.

Gaas iyo Kuixgeenkiisii Cameey, ayaan soo dhaafin wareegyada Koowaad ee Tartanka Madaxweynaha iyo Kuixgeenka, iyagoo kamid ahaa dadka loo saadaalinayay Kursiga.

Si kastaba, Deni iyo Karaash, ayaa waxaa horyaala howlo badan oo ay kamid tahay dagaalka ka dhan ah Shabaab, maadaama ay heystaan deegaano badan oo kamid ah Gobolka Bari, iyo Somaliland oo deegaano mudo sanado ah ka heysata Puntland.

Sidoo kale Puntland iyo Federalka, ayaan leheyn xiriir wanaagsan mudadii uu Xafiiska fadhiyay C/Wali Maxamed Cali Gaas, waxeysa doorashadan ku soo aaday iyadoo Garoowe ay ka dageen xubno Wasiiro iyo Xildhibaano ah oo Dowladda katirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here