AQRISO: Madaxweynaha cusub ee Puntland oo wareegto ku mamnuucay in lacago lagala boxo Bankiyada.

0
541

AQRISO: Madaxweynaha cusub ee Puntland oo wareegto ku mamnuucay in lacago lagala boxo Bankiyada.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni, ayaa soo saaray wareegtadii u horeysay, Isagoo ku joojiyay in lacago lagala boxo Akoonada ay Puntland ku leedahay Bankiga Maamulka iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Qoraalka uu soo saaray Deni oo la ogeysiiyay Wasiirka Maaliyada Puntlad, ayaa sidoo kale lagu wargeliyay Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaha Guud ee Bankiga maamulka Puntland, waxaana sidoo kale fariin loo diray maamulada Bankiyada gaarka loo leeyahay.

Amarkan, ayuu Madaxweyne Deni ku sheegay inuu bilaabnayo maanta oo ay Taariikhdu tahay 8-da bisha January ee 2019.

Si kastaba, Talaabadan, ayaa u muuqata mid looga hortagayo in lagu takrifalo Hantida Puntland ee taala Bankiyada Dowladda iyo kuwa kale.

Halkan Ka Aqriso Qoraalka Madaxweyne Siciid Deni:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here