Hal Kalluun oo lagu iibsaday 3.1 Malyan oo Dollar dalka Japan

0
705

Hal Kalluun oo lagu iibsaday 3.1 Malyan oo Dollar dalka Japan

Maal qabeen u dhashay dalka Japan ayaa lacag dhan $3.1malyan oo doolar ku iibsaday kalluun weyn oo ah nooca loo yaqaanno Tuna.

Ninkan ayaa kalluunkaas ka iibsaday bandhigga suug geynta sannadka cusub oo lagu qabtay suuq kalluunka lagu iibiyo oo dhawaan laga furay magaalada Tokyo ee caasimadda dalka Japan.

Kiyoshi Kimura, oo ah nin si iskiis ah dhaqaale uga sameeyay iibinta raashinka Japan ayaa horay loogu yaqaanay “Boqorka Tuunada”, ka dib markii uu ku caan baxay iibsashada kalluunka noocaas ah.

Kalluunkan weyn ee uu hadda iibsaday oo culeyskiisu uu yahay 278kg ayaa ah nooca loo yaqaanno bluefin tuna, waana mid halis ugu jira inuu ka dabar go’o dunida.

Waxa uu ku bixiyay kharash laban laab ka badan kii uu sannadkii 2013-kii ku iibsaday kalluun kale oo noocaan ah.

Xilligaas ayuu Mr Kimura kalluunkaas ku iibsaday lacag dhan $1.4 malyan oo doolar.

“Waxaan iibsaday Tuna fiican”, ayuu ku yiri wakaaladda wararka ee AFP, ka dib markii uu soo idlaaday bandhigga suuqa.

Dadka sida jumlada ah wax u iibiya iyo milkileyaasha makhaayadaha cuntada Japan ee Sushi ayaa inta badan lacago faro badan ku bixiya kalluunkaas oo ah nooca ugu fiican, looguna jecel yahay.

Xigasho;BBC Somali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here