DEG DEG : Qarax goor dhow ka dhacay Saldhiga Booliska magaalada Beledweyne

0
617

DEG DEG : Qarax goor dhow ka dhacay Saldhiga Booliska magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in uu qarax ka dhacay afaafka hore ee saldhigga Booliska magaalada Beledweyne.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhashay waxyaalaha qarxa oo la dhigey meel ku dhow darbiga Saldhigga Booliska magaalada Beledweyne.

Ma jirto dad ku dhintey qaraxan hase yeeshee waxaa la sheegayaa in qaraxan ay dad ku dhaawacmeen.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira qaraxan, hase yeeshee qaraxan ayaa imanaya toddobaad kadib markii qarax uu ka dhacay guri uu ka degenaa magaalada Beledweyne taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Muqtaar Xuseen Afrax.

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in General Muqtaar Xuseen Afrax uu haatan degay saldhigga Booliska magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here