DEG DEG : Shirkii Xisbiyada Somaliland Oo Lagu Kala Kacay Iyo Waddani Oo Warbaahinta La Hadlay

0
1300

DEG DEG : Shirkii Xisbiyada Somaliland Oo Lagu Kala Kacay Iyo Waddani Oo Warbaahinta La Hadlay

Hargeysa (Dalmar-News):- Kulan ay saaka markale ku kulmeen xisbiyada Qaranka Somaliland oo ay kala Hogaaminayeen  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland , Gudoomiyaha xisbiga Waddani  iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa lagu kala kacay  isla markaana aaney ka soo bixin wax natiijo ah

Xisbiga Waddani oo ugu horeyn warbaahinta la hadley waxaa uu sheegay in shirkaasi aaney wax natiijo ahi ka soo bixin isla  markaana xisbiga Kulmiye aanu la imanin wax tanaasul ah , oo uu miiska soo saarey in kominshanka laba xubnood lagu daro marka doorashadan soo socota la qabto , taas oo Waddani sheegay in aanu marnaba aqbali doonin  .

Gudoomiyaha xisbiga UCID oo isna warbaahinta la Hadley waxaa uu sheegay  in xisbigoodu uu doonaayo in doorasho dhacdo 2019 , waxaana uu eedeymo u jeediyey xisbiga Waddani oo uu ku sifeeyey mid aan danta Somaliland wadin waa sida uu hadalka u dhigaye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here