Alshabaab oo xukun 100 Jaydal ah ku fuliyay nin kufsi geystay

0
675

Alshabaab oo xukun 100 Jaydal ah ku fuliyay nin kufsi geystay

Maxkamadda islaamiga ee Maamulka al-Shabaab ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa xukun jeydal ah ku fulisay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu  kufsi ugeystay qof dumar ah.

Fagaare kuyaal degmada Jilib ee Jubbada dhexe ayaa xukun xadu zina ah lagula fuliyay wiilkan dhalinyarada ah oo la sheegay in baadiyaha degmadaas ku kufsaday haweenay carruur wadatay.

Maxkamadda ayaa ninkan ku xukuntay 100 jeydal iyo musaafurin, fagaaraha xukunku ka dhacayay waxaa ku sugnaa boqolaal ruux oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Jilib.

Xarakada Al Shabaab ayaa deegaanada ay ka maamusho Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxay ku fulisay xukuno kala gedisan dad ay ku sheegtay in ay galeen dambiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here