Uhuru Kenyatta oo beeniyay heshiis uu Raila kala gaaray doorashada kenya ka dhaceysa 2022-da

0
531

Uhuru Kenyatta oo beeniyay heshiis uu Raila kala gaaray doorashada kenya ka dhaceysa 2022-da

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen hogaamiyaha Mucaaradka Mr Raila Odinga kadib Murankii ka dhashay Doorashadii Kenya ka dhacday sanadkii 2017-dii.

Mr Uhuro oo suaalo xalay warbaahinta ku weydiisay magaalada Mombasa ayaa sheegay in aysan jirin heshiis ay gaareen isaga iyo Rala oo ku aadan siyaasada sanadka 2022-da oo kenya ay ka dhaceyso doorasho guud.

Dhanka kele hogaamiyaha Kenya ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay joojiyaan ka hadalka doorasho aan waqtigeeda la gaarin una adeegaan shacabka soo doortay.

Hadalkaan ayaa waxaa uu imaanaya iyadoo bilihii la soo dhaafay ay soo baxayeen xan ah in madaxweynaha kenya iyo hogaamiyaha Mucaaradka ay heshiis ka gaareen in ay qeybsadaan dowlada soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here