Madaxweynaha Galmudug oo ku hanjabay sidii Shabaab inay ula dagaalamayaan dowladda

0
558

Madaxweynaha Galmudug oo ku hanjabay sidii Shabaab inay ula dagaalamayaan dowladda

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku eedeeyay dowladda Federalka Somaliya faragelin toos ah inay ku hayso Galmudug, marka la eego sida ay ula dhaqmeyso Maamulkaasi.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay amuuro badan oo ka jira Galmudug dowladda inay faragelinayso, iyadoo aanan lagala tashan madaxda Maamulka Galmudug.

Isaga oo sii hadlaya Madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay inayka cabsi qabaan in loo soo diro Ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo kuwa NISA si ay u soo qab qabtaan madaxda Galmudug, balse Xaaf ayaa ku goodiyay in ay iska dhicin doonaan cid kasta oo loo soo diro oo sidii Shabaab oo kale ay ula dagaalami doonaan.

“Faragelin qayaxan oo maalin walba dhaceysa, waxaa noo hartay Ciidamada Xoogga dalka & NISA in naloo soo diro oo la dhaho soo qab qabta oo sidii Roobow qoorta nala qabto, laakiin ha ogaadeen meeshaan ma’ahan meeshii ay u soo diri lahaayeen Ciidan, waa iska difaaceynaa wixii noo yimaada sidii Shabaabka ayaana ula dagaalamaynaa, haddii dowladda Federalka Somaliya aaney waxba iska bedelin.” Ayuu yiri Xaaf

Dowladda Somaliya ayaa dhawaan isbedel ku sameysay Saraakiisha Taliska Xoogga dalka Somaliya iyo Taliyihii Ciidamada NISA ee Galmudug oo loo magacaabay Cabdi Dheere, si dowladda ay isugu sii diyaariso qorshe looga taqalusayo Madaxweyne Xaaf iyo xertiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here