Madaxweyne Farmaajo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Qaar Ka Mid Ah Caruurtii Uu Ka Dhintey Wariye Cawil Salaad+SAWIRO

0
671

Madaxweyne Farmaajo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Qaar Ka Mid Ah Caruurtii Uu Ka Dhintey Wariye Cawil Salaad+SAWIRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa waxaa ku booqday qaar ka mid ah carruurtii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariisteen Wariye Cawil Daahir Salaad oo 22-kii bishan ku geeriyooday Qaraxa ay dhaqar qabayaasha Al-Shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

“Waxaa maanta isoo booqday qaar ka mid ah caruurtii uu ka geeriyooday walaalkeen Cawil Daahir Salaad oo ahaa nin waddani ah, dalkiisa iyo dadkiisa jecel, hal abuur leh, dowlad-dhisidda Soomaaliyana kaalin muuqata ka geystay,” ayuu ku yiri madaxweyne Farmaajo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Sidoo kale,Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay iney muhiim tahay in la maamuuso dadka waxtarka u leh Bulshada sida Cawil oo kale lana sii xoojiyo aragtidii wanaagsaneyd ay xambaarsanaayeen.

“Dadka waxtarka u leh bulshada sida Cawil oo kale waxay naga mudanyihiin in la maamuuso oo aragtiyadii wanaagsanaa ee ay xambaarsanaayeena la sii xoojiyo,argagixisada dilaysa haldoorka ummadda Soomaaliyeed waa inaan u midownaa oo aan meel uga soo wada jeesannaa,” ayuu ku yiri madaxweyne Farmaajo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here