Dad qaba cudur halis ah oo ku firxaday magaalo

0
560

Dad qaba cudur halis ah oo ku firxaday magaalo

Dibedbaxayaasha ku sugan magaalooyinka Goma iyo Beni ayay booliiska ku kala eryeen sunta dadka ka ilmeeysiisa kadib markii dibedbaxayaal caraysan ay weerar ku qaadeen xarun caafimaad oo lagu daaweeynayay dadka qaba cudurka Ebola.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay Bariga magaalada Beni oo ka mid magaalooyinka mucaaradku ay ku badanyihiin oo doorashadii ka dhici lahayd dib loo dhigay.

Dibedbaxayaashaan ayaa waxa ay ka soo hor jeedeen go’aankii gudiga doorashda ee ahaa in Afar magaalo dib loo dhigay doorashada ilaa iyo bisha Maarso.

Gudiga doorashada ayaa sheegay in sababaha dib loogu dhigay doorashada ay kamid tahay cudurka Ebola oo halkaas ka dillaacay.

Dhanka kale Madaxweynaha uu waqtigiisu sii dhammaanayo ee Joseph Kabila ayaa sheegay in maslaxad ay ku jirtay in dib loo dhigo doorashada.

Balse xisbiyada mucaaradka ayaa dawladda ku eedeyay in ay raadinayso sidii ay doorashada u musuqmaasuqi lahayd.

Maantana ayaa musharax katirsan mucaaradka oo lagu magacaabo Martin Fayulu waxa uu ku dhawaaqay in la dhigayo dibabaxyo loo dhanyahay.

Madaxa wafuudda gobolka oo ah wasiirka arrimaha dibedda ee Zimabbawe Joel Malanji, ayaa BBC-da u sheegay in uusan hubin in doorashada maalinta Axadda ah ay ku dhici doonto si hufan oo madaxbanaan.

.Lahaanshaha sawirkaAFP

DR Congo doorasha si xor iyo xalaal ah la isuguma wareejin tan iyo intii uu dalkaasi xornimada ka qaatay dalka Belgium-ka sanadkii 1960-dii.

Mr Kabila oo talada dalkaasi hayay tan iyo 2001-gii ayaa waxa ay ahayd in uu kursiga baneeyo sanadkii 2016-kii.

Haseyeeshee doorashooyinkii isaga lagu bedeli lahaa ayaa markasta dib loo dhigayay.

Maxaa ka dhacay xarunta lagu dabiibo cudurka Ebola?

Qaar ka mid ah dadkii ku jiray gudaha xarunta ayaa kala firxaday kadib markii la weeraray xarunta, sidaasi waxaa BBC-da u sheegay qof goob jooge ahaa.

Kadibna booliiska ayaa yimid, waxa ayna adeegsadeen sunta dadka ka ilmaysiisa si ay ukala eryaan dibedbaxayaasha, ayuu intaasi ku daray goob joogaha.

Markii uu dhacayay weerarka waxaa la gubay qaar ka mid ah teendhooyinka, waxaana sidoo kale la bililiqaysatay kuraastii iyo miisaskii. Jessica llunga oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ayaa sidaasi BBC-da u sheegay.

Magaalada Beni oo ku taalla bariga dalka DR Congo waxaa si xun uga dallaacay Ebola, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa iyo 300 oo qof tan iyo bishii August.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here