DEG DEG: Qaraxa Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Koonfur Galbeed Somaliya Iyo Alshabaab Oo Sheegatay Qaraxaasi

0
664

DEG DEG: Qaraxa Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Koonfur Galbeed Somaliya Iyo Alshabaab Oo Sheegatay Qaraxaasi

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan gaari ay wateen ciidamada AMISOM oo lagu qarxiyay duleedka degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

Gaariga la qarxiyay ayaa la sheegay inuu ahaa gaari kuwa miinada lagu baaro xilli uu howlgal ka waday duleedka saldhig ay ciidamada AMISOM  ku leeyihiin deegaanka Buurane ee degmada Mahaday.

Lama oga qasaaraha ka dhashay gaarigan uu qaraxu qabsaday,waxana la sheegay inuu ahaa qaraxa mid ka dhashay miinooyinka dhulka lagu aaso oo laga qarxiyo goobaha ka fog.

Ciidamada AMISOM ayaa badanaa waxa ay kala kulmaan  qasaare miinooyinka lagu aaso dhulka gaar ahaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Sanadkan sii dhamaanaya  ayaa qaraxyo badan waxaa ay ka dhaceen wadada u dhexeysa degmada Mahaday illaa iyo degmada Balcad.

Qaraxyadan ayaa waxaa lagu diley saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyadoo aan la ogeyn qasaaraha soo gaara ciidamada AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here