Madaxwaynaha Dalka Ruuska Vladamir Putin Oo La Ogaaday In Uu Soo Ahaan Jiray Basaas Iyo Cadaymo Laga Halay Magaalo Ku Taala Dalka Jarmalka

0
620

Madaxwaynaha Dalka Ruuska Vladamir Putin Oo La Ogaaday In Uu Soo Ahaan Jiray Basaas Iyo Cadaymo Laga Halay Magaalo Ku Taala Dalka Jarmalka

Madxaf ku yaalla magaalada Dresden ee dalka Jarmalka ayaa laga helay kaaarka aqoonsiga ah ee ay qaataan askarta basaaska ah, kaasi oo uu isticmaali jiray, Vladamir Putin oo xilligaasi u basaasi jiray dalkii la oran jiray Jarmalka Bari.

Putin oo hadda ah madaxweynaha dalka Ruushka ayaa sannadihii 1980-meeyadii si qarsoodi ah uga howl gali jiray magaalada Dresden, isagoo basaas u ahaa hay’adda KGB oo dhanka amniga u qaabilsaneyd maamulkii midowga Soviet.

Hase ahaatee waxa uu isticmaali jiray kaar aqoonsi oo muujinaya inuu ahaa askari ka tirsan hay’adda Stasi, oo ahayd laanta dhinaca ammaanka ee jamhuuriyaddii shuuciga ahayd ee horay loo oran jiray Jarmalka Bari.

Kaarkiisa aqoonsiga ee uu ugu shaqeyn jiray hay’adda Stasi ayaa la helay iyadoo cilmi baaris lagu sameynayo xiriirkii wada shaqeyneed ee ka dhexeeyay hay’adaha KGB iyo Stasi.

.Lahaanshaha sawirkaBSTU
Image captionQeyb kamid ah kaarka aqoonsiga ee Putin

Mr Putin oo xilligaas ahaa sarkaal ka tirsan KGB ayaa kaarkan aqoonsiga ah helay sannadkii 1985-kii. Waxaa loo siiyay si uu ugu shaqeeyo hay’adda Stasi, balse waxaa suuragal ah in uusan iyaga u basaasi jirin.

Bayaan ay dhawaan soo saartay hay’ad uruurisa taariikhda hay’addii la oran jiray Stasi ayaa lagu sheegay in Mr Putin kaarkaas loo siiyay in uu fuliyo howlaha KGB, arrintaasi na ay qeyb ka ahayd wada shaqeyn dhex mari jirtay labada hay’adood.

Sida dhabta ah, magaca Stasi wuxuu ahaa naaneys ay lahayd wasaaradda amniga qaranka ee xukuumaddii Jarmalka bari.

Mr Putin, oo ku dhashay magaalada Leningrad (oo hadda loo yaqaanno St Petersburg), ayaa Jarmalka bari loo diray sannadkii 1985-kii, xilligaas oo uu ahaa 33 sano jir.

Waxa uu howsha basaasnimada ah halkaasi ka hayay tan iyo bishii Diseembar ee sannadkii 1989-kii, xiligaasi oo ay xukuumaddii jarmalka bari ku burburtay mudaharaadyo looga soo horjeeday oo lagu taageerayay Dimuqraadiyadda.

Kaarkiisa aqoonsiga ee Stasi waxaa la cusbooneysiin jiray saddexdii biloodba hal mar, sida ay muujiyeen shaabadaha ku yaalla kaaarka dushiisa. Balse ma cadda sababta uu kaarkiisa uga tagay goobta lagu keydiyo feylasha Stasi ee magaalada Dresden.

.Lahaanshaha sawirkaBSTU
Image captionShaabadaha ka muuqda kaarka aqoonsiga

5-tii bishii Diseembar ee sannadkii 1989-kii, wuxuu goob joog u ahaa dad mudaharaadeyaal ah oo la wareegay xarunta dhexe ee ay hay’adda Stasi ku laheyd magaalada Dresden, iyadoo ciidammadii ammaanka ee uu ka tirsanaa ay qarka u saarnaayeen in ay rasaas ku furan shacabka.

Bishii Nofeembar ee isla sannadkaas ayey mudaharaadeyaasha bariga Baarliin dumiyeen darbigii Baarliin.

Mr Putin ayaa xilligaas si fiican ugu hadli jiray luuqadda Jarmalka, wuxuuna sheegay in uu si shakhsi ah u dajiyay dadkii mudaharaadayay ee hareereeyay xarunta hay’adda KGB, isagoo markaas siinayay digniin ah in meeshaasi ay ahayd dhul uu leeyahay midowga Soviet.

Intii uu waday howshii uu KGB uga hayay magaalada Dresden, Mr Putin waxaa loo dallacsiiyay darajada ciidan ee laba-xiddigle korneyl.

Sannadkii 1989-kii, xukuumaddii shuuciga ahayd ee jarmalka bari ayaa Putin abaal marin ku siisay sidii uu daacadda ugu ahaa ciidammada milatariga ee qaranka, sida lagu qoray barta internet-ka ee Kremlin.

Markii uu ku laabtay Ruushka, Mr Putin waxaa loo dallacsiiyay inuu noqdo madaxa hay’adda amniga ee federaalka, taasi oo baddashay hay’adda horay loo oran jiray KGB.

Wuxuu madaxweynaha dalka Ruushka noqday sannadkii 2000.

Bishii Juun ee sannadkii 2017-kii, Mr Putin wuxuu shaaca ka qaaday in shaqadii sirdoonka ee uu u hayay hay’adda KGB ay qeyb ka ahaayeen macluumaad basaas ah oo “si sharci darro ah loo aruuriyay”.

Isagoo ka hadlayay Telefishinka Qaranka ee Ruushka ayuu sheegay in dadkii wax u basaasi jiray KGB ay ahaayeen dad “tayo gooni ah leh, si gaar ah wax u go’aamiya, isla markaana dabeecad gaar ah leh”.

.Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDhismahan waxaa uu ahaan jiray xarunta KGB

Putin ma wuxuu basaas u ahaa Midowgii soviet ee Ruushka mise iyaga ayuu basaasi jiray?

Heshiis qarsoodi ahaa oo dhex maray hay’adaha KGB iyo Stasi, oo ay BBC-da aragtay ayaa muujinayay in KGB ay 30 askari u joogeen Jarmalka Bari, kuwaasi oo si toos ah ula shaqeyn jiray hay’adda Stasi.

Afhayeen u hadlay bogga Internet-ka ee Kremlin oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa dadka ku baraarujiyay kaarka aqoonsiga ee Mr Putin uu horay u isticmaali jiray.

“KGB iyo Stasi waxay ahaayeen hay’ado sirdoon oo lamaane ah, sidaas awgeed ma garan kartid sababta ay kaararka noocaas ah u kala badasheen”, ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here