Weriye badbaadiyay bukaan soo wacay isagoo barnaamij toos ah ku jira

0
541

Weriye badbaadiyay bukaan soo wacay isagoo barnaamij toos ah ku jira

Barnaamij soo jeediyaha Iain Lee ayaa door ka qaatay badbaadinta nin soo wacay barnaamijkiisa isagoo sheegaya inuu iska badiyay daawo loo soo qoray.

Soo jeediyaha barnaamijka Talk Radio ayaa habeenkii Arbacadii qabtay nambar uu ka soo wacay nin sheegaya inuu ku dhiman rabo waddo ku taalla magaalada Plymouth ee dalka Ingiriiska.

Lee ayaa ninkaasi si toos ah ula hadlayay muddo soddon daqiiqo ah ilaa ay uga timaaddo ambalaas “Waxaan moodayay inuu dhintay” kaddib “Waqti dheer oo aamusnaan ah”. Ayuu yiri Lee.

Gaariga ambalaasta ayaa ninkaasi u qaaday isbitaalka Derriford, xaaladdiisana lama oga hadda.

Lee ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Wuxuu yaallay waddo ku taalla Plymouth, isagoo dhiman raba.

“Waxaa noo suurta gashay inaan qadka kula sii hadalno, oo aan xogtiisa ka helno, kaddibna aan u dirno ambalaas iyo booliis.

“Waxaan telefoonka kula sii hadlayay muddo 30 daqiiqo ah ilaa uu hadalkiisa ka sii daciifo.”

Wuxuu sheegay in wicitaankaasi uu ahaa mid murugo leh.

Dad badan ayaa baraha bulshada ku ammaanay waxa uu Lee sameeyay.

Ninkaasi ayaa goobta lagu daweeyay kaddibna waxaa loo qaaday isbitaalka si daweyn dheeraad ah uu u helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here