Mid kamid ah Gudoomiye kuxigeenada G/Banaadir oo ku dhaawacymay qaraxii labaad Iyo Weriyaaal ku Dhigtay+SAWIRO

0
1046

Mid kamid ah Gudoomiye kuxigeenada G/Banaadir oo ku dhaawacymay qaraxii labaad Iyo Weriyaaal ku Dhigtay+SAWIRO

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in qaraxii labaad ee goordhaw ka dhacay Agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon lagu weeraray gaari uu watay Gudoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga iyo Siyaasada.

Xubno katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa noo sheegay in qaraxa uu haleelay gaari uu la socday Maxamed Cabdulaahi Tuulax oo ah Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amaanka iyo Siyaasada gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku helnay Gudoomiye kuxigeenka ayaa qaraxa waxaa kasoo gaaray dhaawac fudud, waxaana la sheegay in qaraxa ku dhinteen inta badan ciidamadii ilaalada u ahaa ee la socday.

Dhaawaca gudoomiye kuxigeenka dhinaca amaanka iyo siyaasada ayaa lagu daaweenayaa goob caafimaad, waxaana inta badan la waayay oo dhintay ilaaladii la socotay gaariga uu saarnaa oo la sheegay in uu ahaa nuuca aan xabaduhu karin.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xooganaa ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dadku waxyeeladu soo gaartay ay ku jiraan masuuliyiin katirsan dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here