DEG DEG : Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

0
947

DEG DEG : Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan oo loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee xarunta tayaatarka Qaranka oo sidoo kale kasoo horjeeda Guriga Hooyooyinka.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa kuyaala Koontarool laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa sidoo kale goobtaasi inta badan taga dadka u shaqeeya dowlada ee ka qeyb qaata Barnaamijka Is xilqaan ee lagu dhisayo Tayaatarka Qaranka .

Qaraxan goordha dhacay ayaa  ahaa mid xoog badan oo laga maqlay inta badan Muqdisho, waxaana aaga qaraxu ka dhacay laga arkayaa uuro madow oo cirka qabsatay , waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas ay ciidanka ridayaan.

Ciidamada amaanka ayaa si deg deg ah u xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi gaaraya gaadiidka gurmadka deg dega ah si ay u qaadaan dadka waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaasi.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here