Daacish oo sheegatay inay weerar ku dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

0
728

Daacish oo sheegatay inay weerar ku dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Kooxda Daacish ayaa soo saartay bayaan ay uga hadleyso in weerar ay ka fulisay Gobolka Bari ee Soomaaliya inay ku dishay dagaalamayaal ka tirsan Al-Qaacida qeybtooda Soomaaliya oo ah Al-Shabaab.

War ay faafisay Wakaalada wararka Daacish ee Acmaaq ayaa lagu sheegay in maalintii Axadii weerar ay ka fulisay deegaanka Bicir Miiraale oo koofur galbeed kaga beegan degmada Qandala ku dileen 14 dagaalame ka tirsan Al-Shabaab.

“Shalay ciidamada Khilaafada Islaamka waxay weerareen koox isku aruursanayay oo ka tirsan Al-Qaacidada Soomaaliya meel koofur galbeed ka xigta Qandala, oo ay ku diyaarinayeen weerar ay ku soo qaadaan goobaha Daacish ku sugan tahay, waxaa lagu dilay 14 dagaalame halka tiro kale dhaawacay, hub iyo rasaas waa lagu qabtay”ayaa lagu yiri warka ay faafisay Acmaaq.

Daacish ayaa bishii hore soo saartay hanjabaad ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, iyadoo ugu hanjabtay inay ka aar-gudan doonto.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday ugaarsi ka dhan ah Kooxda Daacish oo ka bilowday Soomaaliya dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here