Amisom oo sheegtay duulaan ka dhan ah Shabaab inay ku qaadeyso Gobolka Jubbada Dhexe

0
785

Amisom oo sheegtay duulaan ka dhan ah Shabaab inay ku qaadeyso Gobolka Jubbada Dhexe

Deegaanada ku teedsan Gobolka Jubbada dhexe ayaa la qorshaynayaa in ay ka dhacaan hawlgalo ballaaran oo ay si wada jir ah ay u fulin doonaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa Midowga Afrika iyo ciidanka Jubbaland oo isgarabsanaya si Al-Shabaab looga saaro gobolkaasi.

War ka soo baxay taliska Amisom ayaa lagu sheegay in uu howlgalkaasi uu qeyb ka yahay qorshaha la doonayo in Alshabaab looga xoreeyo guud ahaan dalka, Charles Tai Gituai oo ah taliye kuxigeenka howlgalada ciidamada Amisom ayaa sheegay in qorshaha howglkan ay horey u meel mariyeen Midowga Afrika, taasi oo qeyb ka ah qorshaha Amisom ay dalka kaga baxayso marka ay amniga ay ku wareejiyo ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

“Waxaanu la kulanay madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aaadan,waxaana ka wada hadalnay sidii loo hirgelin lahaa qorshaha howlgaladaasi oo 30, bishii Novermber ee sanadka ay Addis-Ababa ku ansixiyeen madaxda Midowga Afrika,sidoo kale waxaana kala hadalnay qaabka ugu haboon oo ay isaga kaashan karaan howlgaladaasi ciidamada Amisom kuwa Xooga Dalka iyo Jubbaland”. Ayuu yiri Charles Tai Gituai. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here