Guddoomiye Baarlamaanka Maxamed Mursal oo weli ku jira xaalad go’doon ah

0
652

Guddoomiye Baarlamaanka Maxamed Mursal oo weli ku jira xaalad go’doon ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa weli ku jira xaalad go’doon ah, tan iyo markii Arbacadii la soo dhaafay uu ka soo guuray hoygii uu ka degenaa Madaxtooyada, halkaasoo lagu geliyay go’doon.

Ciidamada ammaanka ayaa weli u xiran jidka loo maro halka uu degan yahay Guddoomiyaha, waxaana wadada ka xiran tahay agagaarka KM4, gaar ahaan Barta Kontarool ee Ciidamada Amniga ku leeyihiin halka lagu magacaabo Hoolka Sahal.

Wadadaas ayaa tan iyo jimcihii aheyd mid xiran oo aan wax gaadiid ah geli karin, sidoo kalena loo diiday Xildhibaanada inay ka gudbaan, waxaa wadada ku xiran gawaarida gaashaaman iyo biro.

Guddoomiye Mursan ayaa degan halka loo yaqaano Hotel Shabeel oo ku dhow xarunta UNDP, waxaa lagu xusuustaa in halkaas fadhi u aheyd Xubno ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ay saaran tahay xayiraada, isla markaana loo diidan yahay in Xildhibaanada u tagaan.

Shalay ayay aheyd markii Guddoomiye Mursal uu ugu baaqay Xukuumadda inay xayiraada ka qaado hoygiisa, loona ogolaado Xildhibaanada inay soo booqan karaan.

Tallaabooyinka xayiraadaha iyo go’doonka lagu saaray Guddoomiye Mursal Mas’uulka labaad ee ugu sareeya dalka ayaa u muuqda qorshe la mid ah kii Guddoomiye Jawaari oo cadaadis Xukuumadda iyo Madaxtooyada saareen kaddib isku casilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here