Raiisal Wasaare Khayre oo sheegay talada inta ay hayaan xaalad cabsigelin inaysan ku joogeyn

0
625

Raiisal Wasaare Khayre oo sheegay talada inta ay hayaan xaalad cabsigelin inaysan ku joogeyn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan dalka Qatar ayaa si kulul u weeraray Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli uu kulan la qaatay Jaaliyadda Somaliyed ee dalkaasi Qatar.

Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan aqbaleyn in la cabsiiyo.

“Inta aan anaga joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna,inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno Qab qablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri RW Kheyre.

Hadalkaan Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu xalay sheegay ayaa waxa ay ku soo aadeysaa iyadoo dalka hadda uu ka taagan yahay xiisad siyaasadeed oo ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here