Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliya Maxamed Mursal oo cadeeyay Sababta uu uga soo guuray Madaxtooyada

0
610

Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliya Maxamed Mursal oo cadeeyay Sababta uu uga soo guuray Madaxtooyada

Gudoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay sababta keentay in uu kasoo guuro xarunta Madaxtooyada uu horey u degnaa.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha golaha shacabka sababta uu uga soo guuray Madaxtooyada una degay goob gaar ah in ay tahay sidii uu u heli lahaa dhaq dhaqaaqa Xildhibaanada kadib markii ay adkaatay in ay usoo gudbaan Madaxtooyada uu markii hore degnaa.

”Aniga halkan waxaan ugu soo wareegay waxa ugu muhiimsan waa in aan helaa dhaq dhaqaaqa Xildhibaanada , waad la socotaan deegaankii hore aan degnaa suurto gal ayey noqon weysay in Xildhibaanada iisoo gudbaan ,aniga halkan uma soo degin rabsho iyo buuq ee waxaan rabaa in sharcigu shaqeeyo oo lagana gudbo foodada” Ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sidoo kale sheegay in maalmahan ay bilaabatay in Xildhibaanada loo diido in ay usoo gudbaan guriga cusub uu ka degan yahay Muqdisho laguna dhibo koontaroolada.

” Xildhibaanada xaq waxa ay u leeyihiin in dhaq dhaqaaqooda uu xur noqdo ,beryahan dambe waxaa bilaabatay in Xildhibaanada loo diido deegaanka aan aniga deganahay in ay usoo gudbaan , arin wanaagsan maaha Baarlamaanka xur ayuu ka yahay golaha fulinta, halaga daayo Xildhibaanada koontaroolada lagu celinayo, ” Ayuu yuri Gudoomiye Mursal.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ugu baaqay Xukuumada Soomaaliya in ay ilaaliso sharciga wadanka u yaala ayna ogolaato in xildhibaanada si xor ah u dhaq dhaqaaqi karaan meesha ay doonaan.

Maxamed Mursal ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada golaha shacabka ay xaq u leeyihiin in Mooshin keeni karaan , waxa uuna xusay in mooshinka qeyb ka yahay shaqada Baarlamaanka .

Hadalka kasoo yeeray Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa kusoo aadaya xili wali dowlada dhaxdeeda uu ka jiro khilaaf xoogan oo ka dhashay Mooshinka Xildhibanao katirsan Baarlamaanka ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here