Raisul wasaaraha Sri Lanka Mahinda Rajapaksa oo xilka iska Casilaya

0
495

Raisul wasaaraha Sri Lanka Mahinda Rajapaksa oo xilka iska Casilaya

Raisul wasaaraha dalka Sri Lanka Mahinda Rajapaksa ayaa la filayaa in uu ka dego xilka maalinta berri oo Sabti ah si uu ugu gogol xaaro dhameynta qilaafka siyaasadeed ee sida uu sheegay wiilka uu dhalay.


Namal Rajapaksa oo ka mid ah xubnaha Barlamaanka ayaa Jimcaha maanta ah ku soo qoray bartiisa Twitter-ka in aabihii uu is casilo doono si uu u xaqiijiyo qaranimada dalka.


Namal ayaa sheegay in aabihii uu go,aansaday iscasilaada maalinta bari kadib marka uu qudbad qaran u jeediyo muwaadiniinta Sri Lanka.


Wadankan ku yaala koonfurta aasiya ayaa in ku dhow laba Isbuuc waxaa ka taagnaa qilaaf xoogan oo u dhaxeeya dowlada waxaana barlamaanka ay ka biyo diideen in ay meel mariyaan Mizaaniyada dowlada ee sanadka soo socda.

Xildhibaan ka tirsan barlamaanka oo ka agdhow madaxweynihii hore oo lagu magacaabo Lakshman Yapa Abeywardena ayaa sheegay in Rajapaksa uu go,aansaday in uu xilka ka dego kadib kulan uu la qaatay madaxweyne Maithripala Sirisena.

Shalay ayey aheyd Markiii Maxkamada Sare ay laashay Go,aan uu soo saaray madaxweynaha Sri Lanka oo ahaa in la kala diro xildhibaanada si loogu dareero doorashada barlamaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here