Milatariga Israel oo tiro falastiiniyiin ah ku xiray daanta Galbeed

0
657

Milatariga Israel oo tiro falastiiniyiin ah ku xiray daanta Galbeed

Sargaal ka tirsan dhaqdhaqaaqa xamaas ayaa waxaa uu sheegay in milatariga Israel ay tiro dad ah oo ay ku jiraan laba mudane oo ka tirsan barlamaanka ku xireen howlgal ay xalay ka sameeyeen daanta galbeed.


Warbaahinta Falastiin ayaa sidoo kale tabisay Jimcada maanta in in la xiray dad badan kadib howlgal xoogan oo habeenimadii xalay ay sameeyeen Milatariga Israel.


Dhanka kale Israel ayaa sheegtay in xabsiga ay dhigtay 40 ruux oo lala xiriirinayo in ay gacan saar la leeyihiin Ururka Xamaas.


Xarigaan ayaa imaanaya afar iyo labaatan saac kadib markiimilatariga Israel ay daanta galbeed ku tiigteen afar ruux oo falastiini ah.

Milatariga Israel ayaa dhanka kale ku dhawaaqay in magaalada Ramalah ay tahay aag milatari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here