Dacwad u dhexeysa Madaxweynaha Puntland iyo Kuixgeenkiisa oo maanta ka bilaabaneysa Garoowe.

0
598

Dacwad u dhexeysa Madaxweynaha Puntland iyo Kuixgeenkiisa oo maanta ka bilaabaneysa Garoowe.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in maanta Maxkamada Sarre ee Puntland dhageysaneyso dacwad u dhexeysa Madaxweynaha Puntland iyo Kuixgeenkiisa.

Dacwada u dhexeysa hogaanka sare ee Puntland, ayaa la xiriirta Khilaafka Dastuuriga ah ee ka dhashay magacaabista uu sameeyay Madaxweyne Gaas ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka, iyadoo Cameey uu sheegay inaan lagala tashay sameynta guddigan.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo arintaasi ka duulaya, ayaa isaguna sameeyay Guddi ka dhinac dhisan midka Gaas oo ka kooban 8 Xubnood, waxaana arintaasi ay kala qeybisay maamulka Puntland.

Khilaafka Maxda sare ee Puntland oo ah mid dastuuri ah ayaa maxkamada sare dhegaysan doonta madaama aysan Puntland lahayn maxkamadii dastuuriga ahayd ee kala saari lahayd khifaadka noocaan ah .

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Maxkamada Sare matali karto midda Dastuuriga ah, Una furantahay iney xal kama danbeys ah ka gaarto muranka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here