Xildhibaano u badan kuwa Mucaaradka oo caawa la kulmay Guddoomiye Mursal+SAWIRO

0
700

Xildhibaano u badan kuwa Mucaaradka oo caawa la kulmay Guddoomiye Mursal+SAWIRO

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa sheegay iney caawa ku booqdeen xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla madaxtooyada gudoomiyaha Baarlamanka Somalia oo ay xuseen in muddo ka badan 24 saacadood uu go’doonsanaa.

Xildhibaanada booqday Guddoomiyaha Baarlamanka oo gaarayey ku dhowaad 20 xubnood ayaa waxaa ka dhex muuqday kuwa ugu cad-cad ee mooshinka ka keenay Madaxweynaha iyo kuwa mucaaradka.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa xildhibaanada booqday Gudoomiye Mursal ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin xaalada uu ku sugan yahay gudoomiye Mursal isagoo xusay iney dhibaato fara badan ka mareen sidii ay ula kulmi lahaayeen ayna ka wareysteen xaaladiisa.

Qoraal kooban oo uu soo  bartiisa facebook ayuu mahad Salaad kaga hadlay qaabka ay ula kulmeen gudoonka golaha shacabka kaasoo sidan u qornaa:-

In ka badan 24 saacadood oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ku go’doonsanaa gurigiisa oo ku dhexyaala Madaxtooyada Soomaaliya ayay noo suurogashay inaan u tagno kadib markii aan ka boodnay biro lagu xiray guriga uu ka dhex degan yahay Madaxtooyada.

Waa nasiib daro runtii in sidaas loola dhaqmo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ah shaqsiga labaad ee dalka. Waxaa ii muuqda ififaalo muujinaya in dalkaani god mugdi ah lagu ridayo. Dhamaan sharciyadii yaraa ee dalkaan la iskula hayayna laga tilaabsaday. Laakiin waxaan cod dheer ku leenahay yeeli mayno mana yeeli doono caburin iyo cago juglayn. Soomaaliyana in xoog lagu maamulo ma suurogeli doonto inshaa allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here