Shabaab oo shaaciyay magacyada iyo qabiilka laba ka mid ahaa raggii weeraray xertii Cabdi Wali Cilmi Yare

0
729

Shabaab oo shaaciyay magacyada iyo qabiilka laba ka mid ahaa raggii weeraray xertii Cabdi Wali Cilmi Yare

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay laba ka mid ah magacyadii raggii ka dambeeyay weerarkii abaabulnaa ee lagu qaaday Bishii la soo dhaafay hooyga Magaalada Gaalkacyo uu ka deganaa wadaad lagu magacaabi jiray C/wali Cilmi Yare & Xertiisii.

Raggaan ayaa Idaacada Andalus ee afka Shabaab ku hadasha waxaa laga sii daayay codad laga sii duubay inta aysan weerarka fulin, kuwaasi oo ay ugu dar daarmayeen sababta ay u fulinayaan weerarkaasi.

Cumar C/laahi Ciise oo Shabaab dhexdiisa looga yaqaan Cubeyd wuxuu ka soo jeedaa Beesha Daarood, gaar ahaan lafta Warsangeli, wuxuu ka mid ahaa raggii weeraray Xaruntii C/wali Cilmi Yare, ugu dambeyna halkaasi lagu dilay.

Maxamed Sheekh Nuur oo isagana ku magac dheer Macalin Bishaar wuxuu ka soo jeeda qabiilka Raxaweyn, isagana wuxuu ka tirsanaa raggii weerarka fuliyay ee ugu dambeyn la dilay.

Raggaan ayaa sheegay sababta weerarkaasi ay u fulinayaan inay tahay, sida ay sheegeen kadib markii C/wali Cilmi Yare ay ku eedeeyeen inuu Aflagaadeeyay Nabiga NNKH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here