Macallimad arday timaha ka jartay oo dacwad lagu soo oogay

0
696

Macallimad arday timaha ka jartay oo dacwad lagu soo oogay

Macallimadda dalka Mareykanka u dhalatay ayaa wajaheysaa dacwad, kaddib marki muuqaal laga duubay iyada oo si qasab ah wiil arday ah tinta qasab uga jareysa xilli uu qaadayey heesta astaanta u ah Mareykanka muuqaalkaasi oo lagu baahiyey baraha bulshada.

Margaret Gieszinger, oo 52 jir ah waxay ficilkaasi ku weysay shaqadeedi macallinnimo ee ay ka haysay dugsiga sare ee ku yaallo Visilia, California.

Dambi baaraha kiiskan gacanta ku haya ayaa wuxuu sheegay macallimadda lix dacwadood oo lagu soo oogay inaan lagu wada helin.

Ms Gieszinger oo ay dacwaddeeda socota waxaa Jimcihi lagu soo daayey dammaanad lacageed oo dhan $100,000 oo doolar noo u dhiganta £78,500 gini.

Muuqaal macallimadda lagaga soo duubay teleefanka gacanta ayaa waxaa ka muuqda macallimadda oo wiil arday ah u yeereysa si uu xagga hore u soo fadhiisto.

Wiilka marka uu amarka macallimadda yeelay oo uu horay soo fadhiistayna waxay ku billaawday iney timaha qasab ka jarto iyada oo sabab uga dhigtay hees uu qadayey oo uu si khaldan u qaaday.

Qareenka ardayga u doodaya oo u warramay CNN ayaa wuxuu sheegay inuu macamiilkiisu “uu si aad ah uu u argagaxay” ka hor inta uusan macallimadda orod uga baxsanin.

Ms Gieszinger waxaa la arkayaa iyada oo maqas madaxeeda ka kore ku haysa oo leh gabdhaha ardayda ahna timaha ayaan ka jarayaa haddii ay wax khalad ah galaan.

Madaxa waxbarashada ee degmada uu dugsigu hoos yimaaddo ayaa wuxuu sheegay “iney wax walba ka horreeysiinayaan ilaalinta ammaanka ardayda inta ay fasallada dugsiga ku jiraan.”

Waxaanna dib u eegeyna xogaha kala duduwan ee aan hayno, xogta aan hayno innaga oo ka duuleynana waxaan qaadi doonnaa ayuu yiri tillaabba culus oo u dhiganta xad gudubka ay macallimadda u geysatay ardaygaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here