DEG DEG : Xabsi guri la sheegay in la galiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal

0
1065

DEG DEG : Xabsi guri la sheegay in la galiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal

Xildhibaano katirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh la galiyay xabsi guri loona diiday in ay u tagaan lana kulmaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Moohinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya in ay xayiraad saartay Gudoomiyaha golaha shacabka ayna diiday in loo galo.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo la hadlay Shabakada Allbanaadir ayaa noo sheegay in Xabsi guri la galiyay Gudoomiyaha golaha Shacabka, waxa uu sidoo kale sheegay Xildhibaanka in loo diiday in ay u galaan lana kulmaan.

Waxa uu nasiib daro ku tilmamaay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar habdhaqanka cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya , waxa uuna ugu baaqay Madaxtooyada in xayiraada ay saartay Gudoomiyaha golaha Shacabka ka qaado.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa qeyb ka degan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan dhismaha Villa Uganda, mana jiro wali wax war ah oo kasoo baxay Gudoomiyaha oo ku aadan xayiraada la sheegay in la saaray.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here