Lix qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.

0
747

Lix qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, ayaa in qarax xoogan uu ka dhacay meel ku dhow deegaanka Siinka Dheer.

Qaraxa, waxaa lala eegtay gaari Qooqan ah oo ay wateen Ciidamo katirsan Dowladda Somaliya, kuwaasoo ku sii jeeday Afgooye, Ciidamada waxey ka baxeen magaalada Muqdihso ee caasimada Somaliya.

Saraakiil Ciidan, waxey inoo sheegeen in qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Mudisho ay ku geeriyoodeen 6 qof, lama soo sheegin wax dhaawacyo ah oo ka dhashay qaraxa.

Dadka geeriyooday, ayaa la sheegay in 5 kamid ah ay ahaayeen askar, halka qofka lixaadna uu ahaa Shacab marayay halka qaraxa uu ka dhacay.

Ciidamada amaanka, ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxeyna sameeyeen baaritaano la xiriirta soo qabashada danbiilayaashii qaraxa sameeyay, lama soo sheegin cid ay soo qabteen laamaha amaanka.

Wadada isku xirta Muqdihso iyo Afgooye, ayaa ku dhow iney xiranto si la,mid ah mida Muqdihso iyo Jowhar, maadaama ay ku bateen qaraxyada loo dhigo gawaarida Ciidamada iyo kuwa ay wataan mas’uuliyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here