DEG DEG: Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Mursal Sh. Cabdiraxaan Oo Ka Soo Horjeestay Kala Diridii Gudii Maaliyada Ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed

0
677

DEG DEG: Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Mursal Sh. Cabdiraxaan Oo Ka Soo Horjeestay Kala Diridii Gudii Maaliyada Ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa soo saaray warqad uu ku sheegay iney sharci darro tahay tilaabadii uu qaaday Kuixgeenkiisa Koowaad C/Wali Muudeey, kaasoo bishii hore kala diray Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa qoraalkiisa ku faray Guddiga Maaliyada ee 18-ka Xubnood ka kooban iney shaqadooda sii wataan, ayna keenaan dhameystirka xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018.

Mursal oo Todobaadkii hore dalka si degdeg ah ku soo galay, Khilaafka ka dhashay Go’aanka Muudeey darteed, ayaa dhinaca kale faray Xukuumada uu hogamaiyo Ra’iisul Wasaare Khayre iney ogolaato in lala xisaabtamo.

Golaha Shacabka iyo Hay’ada Fulinta ee Xukuumada, ayuu Mursal sheegay iney yihiin laba Hay’adood oo kala duwan, kalana Madax banaan, Wuxuuna ka digay in la isku millo Shaqooyinkooda.

Halkan Ka Aqriso Warqada uu soo saaray Gudoomiye Mursal:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here