DAAWO SAWIRADA : Madaxweynayaasha Sudan & Jabuuti oo gaaray dalka Itoobiya

0
716

DAAWO SAWIRADA : Madaxweynayaasha Sudan & Jabuuti oo gaaray dalka Itoobiya

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo wafdi ay hoggaaminayaan ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada dalka Itoobiya.

Wafdiga ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda iyo Ismaamulka Oromada Itoobiya.

Madaxda Saddexda dal ayaa ka wada hadli doona arrimaha horumarineed ee saddexda dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka cusub ee dhawaan ka bilaawday wadamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa ay ka qayb geli doonaan Bandhig Dhaqameedka sanadlaha ee Qowmiyadaha Itoobiya ee ka dhacaya Magalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada dalka Itoobiya.

Isbedelada ka socda dalalka Geeska Afrika ayaa sahlay in madaxdaan ay tagaan dalka Itoobiya, xilli Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir uusan aad u socod badneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here