Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo Mooshin ka keenay Heshiisyada uu galay Madaxweyne Farmaajo

0
497

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo Mooshin ka keenay Heshiisyada uu galay Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah heshiisyada Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu la galay dowladaha caalamka qaarkood.

Xildhibaanadan oo tiradooda ay gaareyso 10 Xildhibaan ayaa warqad ay qoreen waxa ay ku muujiyeen walaac ay ka qabaan Heshiisyada is afagarad ee lala galay dowladaha Shisheeye.

Waxa ay ku muujiyeen warqadooda in loo baahan yahay heshiisyadadaasi dood in laga faro oo Golaha Shacabka ay ka doodaan.

Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah xubnaha ku saxiixan Warqadan ayaa sheegay in maalinta Sabtida ay hor keeni doonaan Golaha Shacabka Mooshinkaasi si baarlamaanka uu uga hadlo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here