Mareykanka oo shaaciyay inuu dib u bilaabayo hawlgalkiisa diblumaasiyadeed ee Somaliya

0
511

Mareykanka oo shaaciyay inuu dib u bilaabayo hawlgalkiisa diblumaasiyadeed ee Somaliya

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dib u furayso safaaraddii Mareykanka uu ku lahaa Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu dib u billaabayo hawlgalkiisa diblomaasiyadeed ee joogtada ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in arrinta ay ka dhalatay kaddib markii xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagtay islamarkaana xiriirka labada dal loo baahan yahay in la xoojiyo.

Heather Nauert, oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay Dowladda Mareykanka ku kalsoon tahay dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa safaaraddiisa Muqdisho xiray Sanadkii 1991-kii, markaas oo ay dhacday dowladdii dhexe dalkuna galay kala dambeyn la’aan.

Sidoo kale Mareykanka ayaa shaqaalahiisa diblomaasiyadeed iyo kuwa kale ee samafalka iyo muwaaddiniintiisa kala baxay Muqdisho sanadkii 1993dii markaas oo uu dhacay dagaalkii loogu magac daray Black Howk Down, oo ay ku dhinteen kumanaan Soomaali ah iyo 18 Askari oo Mareykan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here