Sheekh Xasan Daahir oo Shabaab ku taageeray weerarkii ay ku dileen Cabdi Wali Cilmi Yare iyo Xertiisa

0
845

Sheekh Xasan Daahir oo Shabaab ku taageeray weerarkii ay ku dileen Cabdi Wali Cilmi Yare iyo Xertiisa

Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa taageeray weerarkii Shabaab ay ku qaadeen xertii C/wali Cilmi Yare oo Shabaab ay weerareen 26-kii Bishii la soo dhaafay, halkaasi oo ay ku dileen 18 ruux oo wadaadka ku jiro.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay weerarkaasi inuu ahaa mid loo baahnaa oo Shabaab ay fuliyeen, shacabka Somaliyedna ay kaga farxiyeen, maadaama C/wali Cilmi yare uu ku sheegay inuu ahaa ruux fasahaad waday.

Muuqaal uu soo duubay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Baraha Bulshada lagu faafiyay ayuu arrintaan kaga hadlay.

“Qoladii sameysay waa ku ammaanan yihiin, waana dareemayaa Somalida dhan ayaan la wadaagayaa nin kasta oo Islaam ah oo garanaayay ninkaasi & fidnadiisa ay gaartay waa ay ku faraxsan yihiin, wixii ay bi’iyeen oo hadhow marna dadka ka farxiyaan marna ay ka oohinayaan ceebtaasi waa leeyihiin, laakiin acmaashooda ilaahey ayaa ku xisaabayaa.” Ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Isaga oo hadalka siiwata Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxa uu tilmaamay dalka inaysan ka jirin dowlad Islaami ah oo fulisa xukunada noocaasi oo oo kale ah oo loo gaysto dadka gefafka diinta ka gala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here