DEG DEG : Beesha Caalamka oo cadaadis ku saartay Muuse Biixi inuu bedelo go’aan uu hore u gaaray “WAA NOOCMA GO’AANKAASI”

0
1072

DEG DEG : Beesha Caalamka oo cadaadis ku saartay Muuse Biixi inuu bedelo go’aan uu hore u gaaray “WAA NOOCMA GO’AANKAASI”

Muqdisho (Dalmar-News)-Cadaadis kaga yimid beesha  caalamka ayaa qasabtay in Madaxweynaha Somaliand Muuse Biixi uu bedelo mowqifkiisii ahaa inuu hakad geliyo wadahadaladii Dowlada Federalka.

Sarkaal u hadlay Somaliland ayaa sheegay in wafdi ka socda midowga Yurub ay kulamo kula yeesheen magaalada Hargeysa madaxda u sareysa ayna ka dalbadeen in la wadahadlo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo bishii hore ku dhowaaqay in uu joojiyay wadahadaladii uu la lahaa dowlada federalka ayaa haatan aqbalay in uu ka noqdo mowqifkiisii hore isla markaana uu diyaar u yahay wadahadalo.

Go’aanka uu ku joojiyay wadahadalada ayaa waxaa ka soo horjeestay hogaamiyaha  mucaaradka Feysal Cali Waraabe.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here