Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Kilifi oo u Duceeyay Silvia Romano oo afduub ku Maqan

0
550

Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Kilifi oo u Duceeyay Silvia Romano oo afduub ku Maqan

Boqalaal ruux oo isugu Jira Muslimiinta iyo masiixiyiinta ku nool ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta Kenya ayaa u duceeyay gabadha talyaaniga ah ee lagu magacaabo Silvia Romano oo koox hubeysan ay afduubteen.

Maslimiinta ayaa xalay fiidkii u duceeyay gabdahaan salaadii cishe,halka masiixiyiinta ay dhankooda ay shalay kaniisadaha ay ku qabteen baryo ku saabsan sii deysmada gabadhan.

Rev Hulda Tsuma,oo ka tirsan baadariyada ayaa sheegtay in ilaahey uu og yahay halka ay ku sugan tahay Silvia, balse ay rajeyneyso in ay gabadhan xornimadeeda ay hesho.

Maamuaha Hey,ada gargaarka ee African Milele Onlus ayaa laga kaxeystay 20 kii bishii November guriga ay ka deganeyd tuulada Chakama ee ismaamulka Kilifi.

Raga hubeysnaa ee Afduubka geestay ayaa sidoo kale dhaawacay shan ruux oo uu ka mid yahay wiil 10 Jir ah.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ay socdaan wadahadal u dhaxeeya kooxda afduubka geysatay iyo dowlada Talyaaniga kaasi oo la xiriira sidii loo sii deyn lahaa Romano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here