Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ku dilay 9 kamid ah Shabaabka ku sugan Baay.

0
684

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ku dilay 9 kamid ah Shabaabka ku sugan Baay.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee ka jooga Qaarada Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa ka hadlay duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhacay gobolka Baay.

Qoraal ka soo baxay AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeyn cusub oo dhinaca cirka ah uu ka fuliyay deegaanka Lebede, waxey u dhexeysaa Diinsoor iyo Buurhakaba.

AFRICOM, Waxey sheegtay in weerarka ay ku dishay 9 dagaalame oo katirsan Shabaab, waxey meesha ka saareen in duqeyn wax dhibaato ah ay ka soo gaartay dadka Shicibka ah ee ka agdhowaa goobta gantaalada lala dhacay.

Majirto ilo ka madax banaan Mareykanka oo xaqiijinaya Sheegashadooda, waxeyna duqeyntan ay noqoneysaa tii 37-aad ee Mareykanka ka fuliyo Somaliya tan iyo markii uu xafiiska fariistay Madaxweyne Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here