C/weli Gaas oo soo saaray jadwalka xulista Golaha Wakiilada iyo doorashada Puntland

0
779

C/weli Gaas oo soo saaray jadwalka xulista Golaha Wakiilada iyo doorashada Puntland

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray jadwalka soo xulista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxweynaha, kaddib qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa.

C/weli Gaas ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in Beelaha ku dhaqan Gobolada Puntland ay u soo xushaan golaha wakiilada si waafaqsan dastuurka, una soo gudbiyaan Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/ 2018.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub ee Puntland uu furmo doono 01/01/2019, iyagoo dooran doona Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Doorashada Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa dhici doonto 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2019.

Dhinaca kale warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in C/weli Gaas uu ku dhawaaqi doono maalmaha soo socda inuu yahay Musharax mar kale u tartamaya xilka Madaxweynaha, si uu mar kale ugu guuleysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here