Garoonka Adan Cadde oo laga soo dajiyay Dhalinyaro laga soo daayay xabsi ku yaala Uganda.

0
662

Garoonka Adan Cadde oo laga soo dajiyay Dhalinyaro laga soo daayay xabsi ku yaala Uganda.

Garoonka  diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagu soo dhaweeyay dhlainyaro Somaliyed oo mudo ku dhow 5 Sano ku xirnaa Wadanka Uganda.

Dhalinyaradan oo tiradooda ay eheyd 6 Ruux, waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Dowladda, kuwaasoo ay kamid ahaayeen; Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Somaliya.

Dhalinyaradan oo ku xirnaa Uganda tan iyo sanadii 2014, Waxaa sii deyntooda kaalin ku lahaa Dowladda Somaliya oo dhowr jeer Madaxda Uganda kala hadashay sidii dib xoriyadooda loogu siin lahaa.

Qaar kamid ah dhalinyarada dalka dib loogu soo celiyay, waxey Saxaafada u sheegeen iney ku faraxsanyihiin soo deyntooda, iyagoo Mahad gaar ah u jeediyay Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xukuumada Somaliya, waxey hore ugu guuleysatay sii deyntooda maxaabiis badan oo Somali ah kuwaasoo ku xirnaa wadamada; Liibiya, India, Siishelis iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here