AKHRISO : Magacyada qaar ka mid ah dadkii lagu dilay weerarkii ka dhacay Gaalkacyo

0
798

AKHRISO : Magacyada qaar ka mid ah dadkii lagu dilay weerarkii ka dhacay Gaalkacyo

BBC-da waxaa u suurogashay inay hesho magacyada qaar dadkii shalay ku dhintay weerarkii lagu qaaday xarun Sh. Cabdiwali Sh. Cali Cilmi Yare uu ku lahaa magaalada Galkaacyo halkaaso ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof oo ku sugnaa xarunta.

Cabdi Naafac sh Kulli sh Caalam oo kamid ahaa dadkii ka badbaaday weerarka ayaa BBC-da u sheegay in hadda uu ku sugan yahay xaruntii lagu qaaday weerarka isla markaasna uu dhaawac yahay.

Wuxuu sheegay in qaar kamid ahaa dadkii ku sugnaa xarunta ay dhinteen.

“Xarunta waxaa joogay ku dhawaad 130 qof markii weerarka lagu soo qaadayay” ayuu yiri Cabdi Naafac.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ah:

Shiikh CabdiWeli Shiikh Cali Cilmi Yare wadaadkii xarunta lahaa ee la weeraray.

Farxaan Garyare Cali: Wuxuu ahaa ciidanka ilaalda xaruunta.

Suudi Cabdi Kulane: Wuxuu ahaa ciidanka ilaalda xaruunta.

Ceynaanshe Shikh: Wuxuu kamid ahaa dadkii qasaa’idka qaada jiray wuxuu sidoo kale garaaci jiray qalabka.

Maxamed Qaliif Axmed: Qasaai’dka ayuu qaadi jiray.

Sayad Bakar Shiikh Cabdi:Wuxuu ahaa sawir qaade ka tirsan xirta.

Cabdi Mahad Cali Abshir: Durbaanka ayuu garaaci Jiray xiliyada loo baahdo.

Waa kuma Sh Cabdiwali oo maanta Gaalkacyo lagu dilay?

Fatwo laga soo saaray ninka lagu eedeeyay in uu nabiga aflagaadeeyay

Shiikh Cali Shiikh Maxamed Cismaa: Culimada u adeega Shiikha la dilay.

Cabdinuur Shiikh Cabdulweli Shiikh oo uu dhalay shiikha xarunta lahaa ahaana wiil , qasiidooyinka qaadi Jiray.

Dumarka Ku dhintay qaraxa

Waxay isugu jireen kuwo u adeega Shiikha Iyo kuwa qasiidooyinka wax Ka Qaadi Jiray.

Nasra Sh.Cabdulwali shiikh Cali

Xamdi xasan Sh.Axmed

Xaawo cabdi Kulane

Bilsan Shiikh

Weerarkan ayaa isugu jira mid is qarxin ah iyo weerar toos ah oo lagu bartilmaameed saday xarunta wadaadkaas.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Sababta ay u beegsadeen waxay ku sheegeen inuu af lagaadeeyay nabi Maxamed NNKH horey ayay Alshabaab digniin ugu dirty.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here