Wasiirka amniga Somaliya oo sheegay in la soo qabtay ninkii watay gaari ku qarxay degmada Wadajir

0
723

Wasiirka amniga Somaliya oo sheegay in la soo qabtay ninkii watay gaari ku qarxay degmada Wadajir

Muqdisho (Dalmar-News)-Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa lagala maqlay inta badan xaafadaha Muqdisho, ayaa si gaar ah uga dhacay Isgoska Kaawa Godeey oo dowr jeer oo hore uu qarax uga dhacay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay oo eheyd Suuq Qaadka lagu iibiyo iyo goobo ay ku yaalaa maqaaxiyo waaweyn, ayaa ka dhashay kahsaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad Shacab ah oo goobta la weeraray ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay 10 Ruux, ayaa ku geeriyootay goobta, halka ay ku dhaawcameen 15 Kale, dadka waxyeelada gaartay waxey ahaayeen ganacsatada Qaadka iyo dad gaadiid ka raacayay boosteejo ku taala halka Qraaxa ka dhacay.

Goob Joogayaal, waxey soo sheegeen in gaariga qaraxyada laga soo buuxiyay noociisa uu ahaa Kaarib, isla mar ahaantaasina ay ku daba jireen Ciidamada amaanka oo shaki ka qaaday xawaaraha dheereeya ee uu gaariga ku socday.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Ciidmaada amaanka ay rasaas la dhaceen gaariga ka hor inta uusan qarxin, waxeyna ka soo dajiyay wadihii gaariga.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), ayaa Wakaalada wararka ee SONNA u xaqiijiyay in laamaha amaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii waday gaariga qarxay.

Qof kamid ah dadka ka badbaaday weerarka, ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxa uu qasaare xoogan gaarsiiyay goobo dad shicib ah ay ku ganacsadaan, Waxaana jira dhaawcayo daran oo soo gaaray dadka qaar.

Laamaha amaanka, waxey haatan baaritaano ku hayaan qaraxa iyo halka bartilmaameeedkiisa uu ahaa, Waxaana muuqaalo la soo bandhigay muujinayaan goobta qaraxa oo dhiig daadsanyahay iyo burburka goobo ganacs

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here