Booliska Kenya oo shaaciyay magacyada saddex ruux Somali ah oo ay ku eedeeyeen afduubka haweenay Talyaani ah

0
526

Booliska Kenya oo shaaciyay magacyada saddex ruux Somali ah oo ay ku eedeeyeen afduubka haweenay Talyaani ah

Booliska Kenya ayaa soo bandhigay magacyada saddex ruux oo Somali ah oo ay ku eedeynayaan inay ka dambeeyeen afduub loo gaystay haweenay Talyaani ah dhawaan.

Haweenayda Talyaaniga ah ayaa laga afduubtay Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, illaa haddana ma cadda cida afduubatay balse Booliska ayaa soo saaray maanta warbixintaan.

Raggaan saddaxda ah oo ay Boolisku Kenya sawiradoodu shaaciyeen ayey magacyadooda ku sheegeen in ay kala yihiin Ibraahim Aadan Cumar, Yuusuf Kuno Aadan iyo Saacid Aadan Cabdi, waxa ayna dul dhigeen dhacag $9,750 oo ay siin doonaan cidii Booliska ku soo wargelisaa xogta ragaasi iyo halka laga heli karo.

Booliska ayaa shacabka ugu baaqay inay la wadaagaan warbixinada la xiriirta meesha ay joogaan raggaan si gacanta loogu soo dhigo.

Lama garanaayo saddexdaan ruux meesha ay ka tirsan yihiin Balse Booliska waxa ay baraha Bulshada ku shaaciyeen Sawiradooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here