Maraykanka oo ku deeqay gaadiid Milateri oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab

0
801

Maraykanka oo ku deeqay gaadiid Milateri oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab

Wasaarada Gaashaandhiga dalka Mareykanka ayaa qalab iyo gaadiid militari ugu deeqday ciidamada ammaanka ee dalka Kenya.

U qeybsanaha Wasaarada gaashaandhigga dalka Kenya Colonel Kevin Balisky ayaa kaalmadan milateri ku wareejiyey taliye ku-xigeenka ciidamada Milateriga Kenya Majaor Gen. Jabkuto.

Gaadiidkan loogu deeqay ciidamada Kenya ayuu noociisu yahay kuwa gaashaaman ee aysan rasaasta iyo qaraxyadu karin, loona yaqaano (Armored Personnel Carriers (APC).

Maraykanka ayaa sheegay in gaadiidkan uu ugu talo galay in ciidamada Kenya ay u kaashadaan howlgalada ay kula dagaalamayaan kooxaha ka tirsan Al-shabaab ee gudaha dalkaas ka wada weerarada.

Colonel Kevin Balisky ayaa sheegay inay sido kale tababaro u furayaan ciidamada ammanka ee dalka Kenya si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa dagaal adag kula jira xoogaga Al-shabaab oo gudaha dalkaas horey uga geystay weeraro qaarkood uu dhiig badan ku daatay, iyadoo sidoo kale dalkaas ay gudaha Somalia ka joogaan kumanaan askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here