Laba ruux oo ku dhaawacantay gaari uu leeyahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ku qarxay wadada Maka Al Mukarama

0
589

Laba ruux oo ku dhaawacantay gaari uu leeyahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ku qarxay wadada Maka Al Mukarama

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan afaafka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama gaari uu leeyahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa halkaasi lagu qarxiyay.

Gaari noociisa uu yahay Hilux oo uu leeyahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa ku qarxay afaafka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama, xilli Daahir Amiin Jeesow la sheegay inuu ku jiray Carwo halkaasi ku taalla.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa darawalka & ruux kale oo Xildhibaanka la socday, isaga oo taagan wadada ayuu mar kaliyana qarxay.

Labadii ruux ee gaariga saarnaa ayaa halkaasi ku dhaawacmay, ciidamada Booliska oo goobta tagay, ayaa kaxeeyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, halka Darawalka Xildhibaanka iyo ruuxa kalena Isbitaal loo qaaday.

Nooca qaraxa gaarigan ku xirnaa, ayaa la sheegayaa inay aheyd qaraxa dhajiska ah ee Baabuurta lagu dhajiyo, kadibna lagu qarxiyo.

Al Shabaab ayaa inta badan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda ugu xira qarxaxyada noocaan oo kale ah, kuwii ay ku helaan fursad dayacnaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here